Ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa ku eedeeyay guddoomye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka inuu la saftay xildhibaanada wada mooshinka.
Xildhibaannadan oo la baxay Badbaadada Baarlamaanka waxaaGuddoomiye u ah Ra’iisal wasaare ku xigeenii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxyana baaq ay soo saareen ku caddeeyeen in Guddoomiye C/wali Muudey uusan dhexdhexaad ahayn, loona baahan yahay in la helo Guddoon Dhex dhexaad ah.
Xildhibaannadan ayaa soo dhoweeyay baaqii Guddiga Aqalka sare, waxayna xukuumadda Xasan Kheyre uga digeen carqaladda ay ku heyso golaha shacabka.