12 xubnood oo ka mida xubnihii ka haray Guddigii doorashada K/Galbeed ayaa caawa ku dhawaaqay in sii wadayaan Doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, isla markaana ay doorashadu ku dhici doonto xilligii loo qorsheeyay ee 17-ka Novembar 2018.
Shir jaraa’id oo ay qabteen xubno gaaraya 12 oo ka mida Guddiga Doorsahada ayay ka dalbadeen Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed inuu soo magacaabo 15 xubnood oo lagu buuxiyo booskii ay iska casileen xubnihii hore.
Xubnahan ayaa ku adkeysatay inay dhici doonto Doorashada oo an dib loo dhigi doonin, waxayna ugu baaqeen xildhibaanada Baarlamanka ee Baydhabo ka maqan iney si degdeg ah ku xaadiraan.
Xalay ayey ahayd markii si lama filaan ah ay isku casileen 15 xubnood oo ka mida Guddiga Doorashada Koonfur galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood.