Sunday, July 13, 2025

12 Musharax Madaxweyne oo Go’aan Culus kasoo saaray ka qeybgalka Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

12 Musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay go’aan uga qaateen ka qeybgalka Doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Qoraalkan ayaa lagu caddeeyay inaysan ka qeyb galeynin hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada, kuraasta iyo ku shubashada Doorashada 2020/2021, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada in inta ay goori goor tahay si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka, xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

MOWQIFKA IYO GO’AANKA MURASHAXIINTA MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA EE KA QAYBGALKA DOORASHADA 2020/2021

FAAFINTA RASMIGA AH November 10, 2020


Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha Nofeembar, 2020 ayaan inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021 oo ay magacyadoodu ku saxiixan yihiin xaga hoose ee warqadan, waxaan soo gunaanadnay kulamo aan caadi ahayn oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qabsoomay si fool ka fool ah iyo weliba iyada oo la adeegsanayo aalada casriga ah ee fududeysa qabashada kulamada xubnaha kala fog.

Ka sokow marxalada guud ee dalka ee qalafsan , murashaxiintu waxa ay si gaar ah uga
doodeen xaalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku ku jiro maadaama ay mudo aad u
kooban ka harsan tahay mudo xileedkii dastuuriga ahaa ee hay’adaha sharci dejinta iyo
fulinta sida uu xeerinayo Qod. 60aad ee Dastuurka KMG.

Murashixiintu waxa ay si qoto dheer isula gorfeeyeen cabsida laga qabo in uu dalku galo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sababi kara burbur ku dhaca saabaanka guud ee dowladnimo hadii aan lagu guuleysan qabshada Doorashada Guud ee dalka 2020/2021 si waafaqsan heshiis siyasadeedkii Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gareen Madaxda dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uuna meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya bishii Sebteembar 26, 2020 si loo siiyo heshiiska awood sharciyeed oo lagu xaqiijiyo hirgelinta iyo maamulka hannaanka iyo habraaca doorasho hufan oo laysla wada oggol yahay kuna dhacda muddadii loo asteeyey.

Sidoo kale, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay doodwadaag iyo fallanqeyn dheer ka dib si gaar ah u saluugeen gaabiska iyo dibu-dhaca ku yimid qaybihii hore ee jadwalkii loo asteeyey hawlaha doorashada ee ku mudeysnaa ilaa bisha Feberaayo ee sannadka 2021.

Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya – iyaga oo mar kasta tixgelin gaar ah siinaya sarreynta sharciga iyo hufnaanta hannaanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan hannaanka doorashada dadban ee lagu wada heshiiyey, isla markaasna dhowraya sida ku cad Qodobka 60 (1) ee cadaynaya mabaadii’da iyo muddada xilhaynta – waxa ay sida soo socota cadeynayaan mowqifka iyo go’aankooda ku aadan arrimaha soo socda:

i. Hannaanka iyo madaxbannaanida dhismaha xubnaha Guddiyada Doorashooyin labada
heer dowladeed ee ilaa iyo hada lagu dhawaaqay.

ii. Cida iska leh awoodda dhismaha xubnaha guddiyada doorasho ee maamulaya kuraasta
Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya.

iii. Welwelka iyo cabsida xoogan ee la filan karo markii uu dhammaado mudo xileedkii
hay’adaha dastuuriga ahaa ee Dowlada Federaalka isla markaasna ay ka dhalato
halkaas firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah oo sabab u noqon kara burburka
saabaankii dowladnimo ee dalka,

Sidaas darteed, inaga oo ah Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna garwaaqsan dadaalladii lagu bixiyay wadatashiyadii lagu gaaray heshiisyadii siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban oo ku salaysnaa heshiis loo wada dhanyahay talada hannaanka doorashada, WAXAAN SI XOOGGAN U DIIDANAHAY:

1- Hannaanka loo maray dhismaha Guddiyada Doorashooyinka labada heer dowladeed ka dib markii aan xaqiijinay in Xafiiska Madaxweynaha, iyo kan Ra’iisal Wasaaraha iyo kan Hoggaanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay musuqmaasuqeen dhismihii guddiyada aan kor ku soo xusnay iyaga oo ka dhigay guddiyadii doorashooyinka ee labada heer dowladeed xubno askar ah oo ka tirsan hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, shaqaalihii maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubno aad loogu yaqaan taageerada madaxweynaha taasina ay si cad u burineyso heshiisyadii siyaasadeedkii wada-ogolka looga gaaray hannaanka doorashada dadban ee 2020/2021.

2- Magacaabista Xukuumadda Federaalka xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal ku metelaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland, waxaana caddeyneynaa in marna aysan sharciyad haba yaraatee u haysan Xukuumadda Federaalka ama xubin ka tirsan Xukuumadda ay kaalin ku yeelato magacaabista xubnaha guddiyada doorashada ee kuraasta Somaliland.

Hadaba, Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa – iyaga oo ilaaliyo nidaamka metelaadda siyaasadeed ee Dalka, isu-dheellitirnaanta iyo madaxbannaanida guddiyada doorashada – ay cadaynayaan, in si la mid ah sidii lagu maareeyey magacaabista xubnaha guddiyada doorashada kuraasta Somaliland 2016, in waqtigan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi hadana ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya Dalka isla markaasna ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal.

Waxaan sidoo kale cadeyneynaa in aan aqoonsanahay oo kaliya xubnaha uu Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo magacaabo maareynta doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ku metelaysa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Si la mid ah, waxaan cadeyneynaa hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in aynaan marnaba aqbali doonin in aan qeyb ka noqono hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boobka ergada, kuraasta iyo ku shubashada doorashada 2020/2021, waxaana ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada in inta ay goori goor tahay si degdeg ah looga dhex saaro Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada heer dowladeed xubnaha askarta ah ee ka tirsan hay’ada nabadsugida iyo sirdooonka qaranka, xubnaha shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo xubnaha ku caan baxay taageerada madaxweynaha si loo ilaaliyo madaxbannaanida guddiyada iyo dibu sixida xadgudubyada awoodeed ee la xiriira magacaabista xubnaha doorashooyinka kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Ugu dambeyntii, hadii aan nahay Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2021, waxaan si mas’uuliyadi ku jirto uga sii digeynaa qalqal siyaasadeed iyo mid amni oo ku yimaada heshiiskii siyasadeedkii ee Nidaamka Doorashada Dadban iyo dibu-dhac ku yimaado qabsoomidii doorashada guud ee 2020/2021, hadii ay taasi dhacdana waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo keliya madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” oo isagu si ula kac ah u abuuray firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.


Tixda Murashaxiinta Madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya

  1. Madaxweynihii 7aad, Mudane Shariif Sheekh Axmad
  2. Madaxweynihii 8aad, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
  3. Ra’iisal Wasaare Hore, Mudane Xasan Cali Kheyre
  4. Madaxweyne Hore ee DGKG, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan
  5. Madaxweyne Hore ee DG Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed
  6. Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)
  7. Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali
  8. Danjire Dahir Maxamuud Geele
  9. Wasiir Hore, Mudane Cabdraxmaan Cabdishakuur
  10. Mudane Cabdinasir Cabdulle Maxamed
  11. Xil. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
  12. Mudane Maxamed Cabdiraxman Cali (Siiriin)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON