Friday, June 27, 2025

12 Musharax oo ka baxay Doodii Musharixiinta Madaxweynaha [Faahfaahin & wararkii ugu danbeeyay]

Doodii Musharixiinta madaxweynaha ee Warbaahinta ayaa fashil ku dhammaatay maanta kadib markii ay isaga baxeen 12 musharax oo ka mida musharixiintii dooda ka qeybgeli lahayd.

Arrinta Dooda musharixiinta oo ahayd arrin cusub oo Baarlamaanka ay dhowaan ansixiyeen, ayaa maanta lagu balansanaa, waxaana maanta oo lagu waday dooda qeybteeda koowaad ay dhacdo xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka dhalatay qalalaase.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii loo sheegay in Dooda aan loo tebineynin si toos ah oo laga daawanayo telefishanada, taasoo sababteeda lagu sheegay arrimo farsamo iyadoo ay Muqdisho ka jirtay internet la’aan iyo inay telefishanka Qaranka ee SNTV kaliya uu tebinayo dooda.

12 Musharax oo ka mid ah 24 Musharaxa ee u taagan maanata lagu bilaabi laha Dooda ayaa ka baxay goobtii waxayna sheegeen inaysan ka qeybgelynin dood aan toos ahayn oo dadku aysan daawan karin isla markaana aanay tebineynin dhammaan TV-yada dalka ka dhisan.

Musharaxiinta isaga baxay Dooda ka dhaceysay laakiin u xaadiray xarunta Baarlamaanka waxaa ka mida.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

C/raxmaan Maxamed Faroole

C/naasir Maxamed Cabdulle

Saciid C/llaahi Dani

C/raxmaan C.shakuur Warsame

C/laahi Cali Xasan

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Saciid Ciise Maxamuud

Iyo Bashiir Raage Shiiraar

Waxaana xaaladu ku danbeysay in doodii ay halkaasi ku joogsato, iyadoo uu xiriiriye ka ahaa Prof. Cumar Aadan Qaadi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON