Beelaha dega Gobolka Hiiran ayaa xaflad ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,
Odayaasha dhaqanka ee goobta ka hadlay ayaa caddeeyay inay si buuxa u taageersan yihiin madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, isla markaana Gobolka Hiiraan ay degaan 14 beelood oo 13 ka mida raacsan yihiin maamulka cusub ee Hirshabeelle, waxayna caddeeyeen inaysan hal beel ku hadli karin magaca gobolka Hiiraan.
Odayaashan si weyn u dhaliilay in hal beel ay ka hor timaado madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, iyadoo keligeed awood is bideysa, laakiin waxay caddeyeen in Hiiraan 13 beelood oo degan ay taageersan yihiin maamulka lagu doortay magaalada Jowhar, kuna soo dhoweynayaan magaalada Beledweyne.

HOOS KA DAAWO