Ciidanka Nabad-Sugidda ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ku toogtay wiil la sheegay inuu Amniyaadka Alshabaab ka tirsanaa oo toogasho ku dilay Haweeney ganacsato ahayd oo lagu magacaabi jiray Ubax Cali Dhubad, sida ay shaaciyen saraakiisha Hay’adda Nabadsugidda NISA.
Haweeneydaan ayaa lagu toogtay Agagaarka Suuqa Daawada ee Bakaaraha xilli ay halkaas ka adeeganaysay, waxaana dilkan uu xaalad jaha wareer ah ku abuurtay suuqa ugu weyn Muqdisho.
Ciidanka Nabad-Sugidda ayaa isku dayay inay qabtaan wiilkan oo bistoolad ku hubeysnaa, hase yeeshee laguma guuleysan in la qabto, taas ayaana dhalisay in ciidanku ay toogtaan sida warku sheegayo.
Haweeneyda la dilay oo ahayd mid da’ yar ayaa isla goobta ku geeriyootay kadib markii dhowr xabadood uu madaxa kala helay dableyga la dilay.
Goobjooge.com