Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa galabta si degdeg ah looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaan lagu wado kiis loo heysto oo ku saabsan dilka sarkaalkii u shaqeynayay Q/Midoobay ee dhowaan lagu dilay magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa la geeyay xarunta Nabadsugidda magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Habar Khadiijo, iyadoo wararku sheegayaan inuu yahay eedeysane u xiran baaritaan lagu sameynayo, waxaana arrintiisa gacanta ku heysta xeer ilaalinta qaranka.
Dilka Mahdi Xuseen Sheekhaal ayaa xiisad ka abuuray magaalada Beleweyne, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh oo arrinta fara geliyay uu amray in kiiska loo soo wareejiyo Muqdisho.
Odayaasha iyo Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa kula taliyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka ka qaado guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ay sheegeen inaysan suuragal ahayn inuu guddoomiye ka sii ahaado gobolka.
Xabsiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Muqdisho loogu soo dhoofiyay ayaa xaalad cusub ka abuuray gobolka Hiiraan oo hadda maraya xiisado siyaasadeed kuwo amni, waxaana laga war sugayaa dowladda Federaalka sida ay ula dhaqanto iyo inay xeelad kale sameyn doonto.
Goobjooge.com