Gollaha Wakiilada maamulka Puntland oo dhowaan doortay guddoomiye cusub ayaa fadhigoodii maanta uga dooday dhulka maqan Puntland oo weli ay sheegeen inaysan xukumadda C/weli Gaas soo hadal qaadin soo celintooda.
Xildhibaanada arrintan dood kulul ka yeeshay ayaa markii danbe isku raacay in loo yeero madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey si wax looga waydiiyo waxqabada la’aanta xukuumadda ee arrimaha dhulka maqan.
Madaxweyne Gaas ayaa doorashada ku galay inuu soo celiyo dhulka ka maqan Puntland, isagoo markaas ku faanay in aan Laas-caanood faataxo lagu qaban, laguna soo celin karin.
U yeeritaanka madaxda Puntland ayaa qeyb ka ah kacdoon ka dhex jira Golaha wakiilada Puntland oo qeyb ka mida ay si weyn uga horjeedaan siyaasadda C/weli Gaas.
Goobjooge.com