Friday, July 4, 2025

Xeer ilaalinta oo diyaarisay kiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan & Madaxweyne Xasan Sheekh oo joojiyay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in la fasaxo oo aan wax dembi ah loo raacan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho loo keenay baaritaan lagu hayay falkii lagu dilay sarkaalkii u shaqeynayay Hay;adda Miinada Q/Midoobay ee MINE ACTION Mahdi Xuseen Sheekhaal.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo Beledweyne  tegay kiiskan, kadibna Muqdisho ku soo laabtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wargeliyay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay u hayaan caddeymo muujinaya in falkaasi uu lug ku lahaa, isla markaana ay waxay xeer ilaalintu codsatay in dacwadaasi la socodsiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka hor yimid kuna amray xeer ilaalinta inay hakiso dacwada lidka ku ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho sii joogaya inta laga xalinayo xiisada ka taagan Beledweyne, waxaana socda dadaalo ay wadaan Ugaaska Beesha Xawaadle iyo odayaasha beelaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ka qaba in xiisadaha Beledweyne ay degaan kadibna guddoomiyaha Gobolka dib ugu laabto magaalada oo xilkiisii sii wato, inkastoo beesha uu ka soo jeedo sarkaalkii la dilay ay si weyn uga horjeedo arrintaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON