Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeyay dowlada Federaalka inay ka danbeyso xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kadib dagaalkii ka dhacay halkaasi ee ka dhashay jidka ay Putnland dooneyso inay ka dhisto magaalada.
Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed oo ka mid ah xildhibaanada saxaafada la hadlayayaa tilmaamay in arrintaasi ku lug leedahay dowladda Federaalka Somalia, isla markaana maamulka Galmudug dabada ka riixeyso. Wuxuu dhinaca kale ugu baaqay Puntland dalka iyo dadkeeda sida uu yiri.
Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa cakiran iyadoo maamulka Puntland uu diiday joojinta jidka dagaalka dhaliyay, waxaana magaalada Gaalkacyo arrintan darteed ugu dhoofay Ra’iisal wasaaraha Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com