Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Guddi u diray Gaalkacyo kuna laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho kadib markii socdaal qaatay 24 saacadood ku tegay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe, isla markaana uu kulamo la yeeshay madaxweyne C/weli Gaas iyo  C/kariin Guuleed.

Lama oga sababta soo gaabisay socdaalkii  Ra’iisal wasaaraha ee xal u helida xiisada magaalada Gaalkacyo, wuxuuna baajiyay socdaal uu ku tegi lahaa magaalada Gaalkacyo. Qaar kamida wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa ku haray magaalada Garowe kuwaasoo la sheegay inay waanwaan sii wadi doonaan, mana cadda sida loo fashiliyay qorshihii Cumar C/rashiid iyo cidda ka danbeysa labadaba, iyadoo arrintani ka danbeysay markii dagaal kale ka qarxay saaka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa soo sagootiyeyRa’iisal wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake. Waxaana magaalada Gaalkacyo Ra’iisal wasaaruhu u diray  xubno xaqiiqo raadin ah oo weftigiisa kamid ahaa si ay usoo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee kajirta magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga Ra’iisal wasaaraga u diray Gaalkacyo waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliya iyo xubno kale. Waxaa laga war sugayaa sida xaaladda Gaalkacyo isu bedesho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON