Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda, wuxuuna si weyn u beeniyay in qaar ka tirsan Ciidanka X.D.S ay dagaalka ku lug yeesheen sida ay ku eedeysay madaxtooyada Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yiri:
“Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan.”
“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.
Shalay ayeey aheyd Markii Dagaal Ka dhacay Magaaladda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay Ku dhinteen in kabadan 10-ruux oo kamid ah dhinacyadii dagaalamayay.