Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe) ayaa goor dhoweyd ka duulay magaalada Kismaayo isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana socdaalkiisa ku wehliya xubno ka mida maamulka Jubba.
Socdaalka Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu salka ku hayo waanwaan ku saabsan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo iyadoo hore uga mid ahaa madax dowladda Federaalka ka codsatay inuu arrinta Gaalkacyo kala hadlo maamulka Puntland iyo madaxweynaha C/weli Maxamed Cali Gaas.
Xogta Goojooge.com heleyso ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku biiriyo dadaalka lagu doonayo in xal loogu helo xiisad colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa hore uga codsaday Axmed Madoobe inuu C/weli Gaas kala hadlo joojinta dhismaha wadada Gaalkacyo ee dagaalku ka dhashay iyo in la kala qaado ciidamada.
Madaxweynaha Puntland ayaa bilowdii colaada Gaalkacyo ka biyo diidan dhammaan codsiyadii ay u jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubba, waana tan keentay in Ra’iisal wasaaruhu tago Garowe, iyadoo socdaalka Axmed Madoobe uu yahay mid kale oo culeys lagu saarayo C/weli Gaas oo gebi ahaanba diidan inuu wax wadahadal ah la yeesho maamulka Galmudug.
Goobjooge.com