Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke uu Koonfurta Gaalkacyo maanta u gudbay isagoo la kulmay Madaxwaynaha GalMudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.
Labad dhinac ayaa ka wada hadlay sidii xal loogu raadin lahaa xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana wadahadalka la sheegay in la isku afgartay oo dhinaca Galmudug ay aqbaleen saddex qodob oo xukuumadda federaalka ay dooneyso in xal loogu helo arrinta Gaalkacyo, kuwaasoo kala ah:
- In xabad joojin lagu dhawaaqo
- In Ciidamada la kala qaado
- In wadahadal la furo
Dhinaca kale waxaa goor dhaweyd magaalada Gaalkacyo Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo ka soo duulay magalada Garowe, waxaana la filayaa in wadahadal kale ay waqooyiga Gaalkacyo ku yeeshaan madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale.
Xaalada magalada Gaalkacyo ayaa degan iyadoo dadaalada uu wado Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay xoogeysteen, waxaana C/weli Gaas oo diidanaa nuu Gaalkacyo yimaado ay hadda noqotay in magaalada la keeno.
Goobjooge.com