Friday, June 27, 2025

C/raxmaan Faroole: “Waa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh yimaado Gaalkacyo, Ra’iisal wasaaruhu ma maareyn karo keligiis…” (Dhageyso)

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka hadlay dagaalka Gaalkacyo ka dhacay iyo  waanwaanta socota ee nabada Gaalkacyo loogu jiro baaq isagoo mahadcelin u diray madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Faroole ayaa cadeeyay in maamulada Puntland iyo Galmudug ay gacanta ku qaban kareen nabada Gaalkacyo inta aysan xaaladu gaarin dagaal, balse aanay isku howlin oo ay ka gaabsadeen,  wuxuuna ka digay in xaalada Gaalkacyo ay keeni kartay dagaal qayaaladeed oo la mida kii 1991.

Wuxuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu tago Gaalkacyo si uu arrinta uga qeyb qaato, iyadoo ay jiraan ayuu yiri arrimo badan oo la hadal hayo iyo dhibaatooyin badan oo  u baahan inuu goobta yimaado si loo xaliyo haddii is mari waa’ dhaco “Arrinta maanta ka jirta Gaalkacyo waa mid qaran oo arrin muhiim ah, tuhun siyaasadeed ayaa jira sidaas darteed waa lagama maarmaan inuu yimaado”.

 Faroole wuxuu ugu baaqay madaxda xalka ku dhex jira inay si kama dambeys ah xaaladda u xaliyaan oo aan mar dambe Gaalkacyo la isugu soo laaban.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON