Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo isagoo uu la socdo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’ id kale ku qabtay halkaasi isagoo sheegay in Puntland aysan wa eed ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo ku dooday inay ka shaqeynayeen horumar iyo dhismaha magaalada.
C/weli Gaas wuxuu si cad u sheegay in dagaalka ay soo qaadeen dhinaca Galmadug oo Puntland aanay lahayn ay tahay odayaasha yimid ay wax iska weydiiyaan sida wax u dhaceen, ciddii mas’uuliyadeeda lehna la saaro, wuxuuna soo dhoweeyay dadaalka nabadeed ee uu wado Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
DHAGEYSO CODKA C/WELI GAAS
Goobjooge.com