Kulan xasaasiah oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaceed Waqooyi ayaa lagu ogoleysiiyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas inuu saxiixo heshiis ka kooban 4 qodob oo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ku saabsan heshiis laga gaaro dagaaladii magaalada Gaalkacyo.
Shirkan oo ay saaka ku soo biireen xubno ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ergay ka socdey Midoga Afrika iyo Safaaradda Britain ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu beesha caalamka u yeertay Ra’iisa lwasaaraga kadib markii la isku mari waayay xalay in C/weli Gaas uu saxiixo heshiiska Gaalkacyo isagoo ku adkeystay in odayaasha dhaqanka ay arrinta xaliyaan ama uu qof u magacaabo u saxiixa, taasoo uu diiday Ra’iisal wasaaraha.
Kulanka saaka ayaa ahaa mid adag oo madaxweynaha Puntland lagu qasbay inuu saxiixo heshiiska sida uu yeelay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed. Afarta qodob ee Ra’iisal wasaaraha soo diyaariyay ayaa kala ahaa:
- Xabbad joojin
- Ciidamada oo la kala qaado
- Dadkii qaxay oo la soo celiyo
- Wada hadal dhab ah oo la galo
Wararkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in C/weli Gaas Laga saxiixay heshiiska afarta qodob oo ahdda loo gudbi doono fulinta heshiiska qodobadiisa.
Goobjooge.com