Thursday, July 3, 2025

Ciidamo taabacsan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidamo taabacsan gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fXasan Afaraxayaa maanta xirtay wadada weyn ee bartamaha magaalada, iyadoo la sheegay inay careysnaayeen kana gadoodeen xaalada uu ku sugan yahay Guddoomiyahooda oo Muqdisho loogu soo qaaday baaritaanka dilkii loo geystay  Mahdi Xuseen Sheekhaalod oo ahaa sarkaalkii u shaqeynayay Hay’ada Mine Action.

Ciidamadan wadada xirtay ayaa dalbaday in magaalada Beledweyne lagu soo cwliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan si uu shaqadiisa u wato, waxayna ku hanjabeen ilaa  uu magaalada ka imaanayo guddoomiyaha inay xiran tahay wadada weyn ee Beledweyne.

Dadaal ay sameeyeen odayasaha dhaqanka Beledweyne ayaa ku qanciyay ciidamada inay furaan jidkaasi iyadoo markii dambe ay ku guuleysteen inay qanciyaan ciidamada oo dib loo furo wadada.

Xaalada magaalada ayaa degan  iyadoo laga war sugayo waxa uu ku dhammaan doono kiiska guddoomiyaha Gobolka Hiiraan loo heysto oo sidoo kale ay u xiran yihiin 9 askari oo ka mida ilaalada C/fataax Xasan Afrax.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON