Wednesday, July 2, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo & qabanqaabo loogu jiro xaflad weyn oo la isugu keeno Gaas & Guuleed

Heshiis ka kooban afar qodob oo laga gaaray dagaaladii magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maanta la shaaciyo magaalada Gaalkacyo kadib markii labada  maamul ee Galmudug iyo Puntland ay saxiixeen heshiiska, isla markaana dadaalkii ugu danbeeyay loogu jiro in xaflad maamuus ah la isugu keeno madxweynaayaasha labada maamul.

Wakiilada beesha caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona heshiiska looga dhawaaqayo magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo, waxaana wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in C/weli Gaas weli lagu qancinayo inuu oglaado la kulanka dhiggiisa C/kariin Guuleed taasoo uu aad uga biyo diidan yahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay saxiixay heshiiska Gaalkacyo kadib markii uu dib u dhacay ku yimid qorshihii la doonayay in shalay galab looga saxiixo heshiiska, waxaana shirka ugu danbeeya laga soo saari doonaan war-murtiyeed loo dhan yahay, iyadoo guddi fulin oo la socda fulinta heshiiska la magacaabi doono.

Xaflada lagu soo gabagabeyn doono heshiiska Gaalkacyo ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo si weyn loo sugayo ammaankiisa, waxaana la filayaa in madaxeynaha Galmudug ay soo galbiyaan madax uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha.

Saaka ayaa la soo weriyay in rasaas ka dhacay xaafadda Garsoor sidii maalmihii hore oo kale taasoo muujineysa in xaaladu weli kacsan tahay, waxaana wararka qaar sheegayaan in ciidamo hor leh yimaadeen meelaha la isku hor fadhiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON