Heshiis laba geesood ah oo ku saabsan xalinta colaada magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhoweyd lagu kala saxiixdaya garoonka magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay isku gacan qaadeen isla markaana ku saxiixeen madaxweynayaasha maamulada Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Laba ergo oo kala socotay labada maamul waxaa kala hoggaaminayey labada madaxweyne ee heshiiska wada saxiixday, waxaana goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dhexda ugu jirey labada madaxweyne oo dhinaca kale ay garbaha ka sii fadhiyeen Madaxweynahayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe.
Heshiiska waxaa loogu magac daray HESHIISKA Gaalkacyo. iyadoo uu shirka ka hor akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, heshiiska oo ka koobnaa afar qodob ayaa kala ah:
- Xabbad joojin
- Ciidamada oo la kala qaado
- Dadkii qaxay oo la soo celiyo
- Guddi wada xaajood oo labada dhinac ah.
Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug aya heshiiska wada saxiixey, sidoo kale waxaa saxiixey goobjoogayaasha heshiiska iyo Ra’iissalwasaaraha oo wakiil ka ahaa, waxaana labada dhinac is dhaafsadeen salaam iyo waraaqihii, iyadoo ahay xaflad si rasmi ah u dhacday.
Madaxweynaha Puntland iyo kan Galmudug ayaa goobta khudbado kooban ka soo jeediyey, waxayna bogaadiyeen heshiiska oo ay sheegeen inay fulin doonaan.
Goobjooge.com