Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray heshiiska lagu saxiixay Gaalkacyo

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaaladaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’. ayuu yiri madaxweynaha oo dadaal weyn loo galay dhalinta heshiiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo intii kale ee kala qeyb qaadatey dadaalkii nabadeed ee halkaasi laga wadey.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON