Wararkii ugu danbeeyay duqeyntii xalay ka dhacay tuulada Kuunyo Barow ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, xilli maqribnimo ah ay gantaallo ku dhaceen laba goobood oo ka mida tuulada.
Duqeyntan ayaa la sheegay inay ahayd mid culus oo dadka degaanka ay aad uga baxeen, welina ma cadda cidda lala beegsaday ee loola dan lahaa iyadoo degaankaasi ay maleeshiyad Alshabaab gacant ku hayaan, isla markaana ay bar u tahay saraakiishooda.
Laba gantaal ayaa la sheegay inuu midkood ku dhacay tuulada banaankeeda, mid kalena meel u dhow garaash ku yaalla tuulada oo kooxda Alshabaab maamulaan.
Dhowaan ayay ahayd markii ugu yaraan sideed ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab lagu dilay weerar loo maleynayo inay fulisay diyaarad aanay cidna wadin oo ka dhacay deegaanka Baladul Ami, oo 120 Km waqooyi galbeed ka xiga magaalad Muqdisho.
Weerarada noocan oo kale ah waxaa caadiyaan qaada diyaaradaha keligood is wada ee dowladda Mareykanka oo hore u khaarijiyay saraakiil fara badan oo uu ka mid yahay amiirkii Alshabaab Axmed Cabdi Godane.
Goobjooge.com