Saturday, July 26, 2025

Farmaajo oo talo ku soo jeediyay qaabka looga tashanayo Doorashada 2016

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa ka hadlay doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2016, isagoo  sheegay in doorashadu loo baahan yahay inay  ka duwaanaato kuwii ka horeeyay.

Farmaajo ayaa soo jeediyay in la tixgaliyo Aragtida shacabka isla markaana  fursad loo siiyo  inay xushaan qofka hogaaminaya wuxuuna xusay in doorashadu aysan noqon doorashadii 2012kii oo kale oo odayaasha dhaqanku ay soo qoreen Xildhibaanada, doorashuna ahay mid baarlamaankaasi uu doortayn Madaxweynaha.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in qeybaha kala duwan ee Bulshada looga fadhiyo iney aragtidooda ka dhiibtaan sida ay noqoneyso doorashada 2016 ee aan lagu koobin aragtida maamulada dalka ka jira.

Madasha Qaran ayaa kulamo lagu qabtay magaalooyinka dalka waxaa ka soo baxay natiijooyin is khilaafsan oo maamuladu soo jeediyeen 4.5 iyo qaab degaan in lagu saleeyo doorashada 2o16.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON