Friday, July 11, 2025

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo xilka la wareegay

Danjiraha cusub ee Midowga Afrika wakiilka uga noqon doona Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka xafiiska ergayga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya.

Wakiilkan oo hogaamin doona howlgalka AMISOM, isagoo  uu xilka kala wareegay ergaygii hore Ambassador Maman Sambo Sidikou uu xiligiisii uu dhammaaday.
“Waxaan xilkan la wareegay xaalad adag ee taariikhda Soomaaliya, xili dalku isu diyaarinayo doorashooyinka sanadka danbe, waxaan muhiimad siinayaa in aan xaqiijino anaga iyo ciidanka Soomaaliya xaaladdana ka dhigno mid degan iyo dhismaha qaranka..” ayuu yiri Danjire Madeira.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ayaa u dhashay  dalka Mozambique, wuxuuna ka soo shaqeeyey dalka Aljeeriya isaga oo Midowga Afrika u ahaa danjire, sidoo kale waxa  hore u noqday  danjiraha dalkiisa Mozambique u fadhiya dalal  badan oo Afrikaan ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON