Wednesday, June 25, 2025

Saraakiil milateri oo ka socda Midowga Yurub oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Soomaaliya

 Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la qaday saraakiil ka socday  Midowga Yurub, waxayna iska xog wareysteen howlaha ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed iyo halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada uu siinayo ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka Midowga Yurub ayaa tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku aamaanay dowladda dadaallada ku aadan dib u dhiska ciidanka.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya aan la iloobi Karin, waxaana uu intaa ku daray in saraakiisha Midowga Yurub ay balan qaadeen wax u qabashada ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha ay maanta kulanka la qaateen Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale ee Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ka socday Midowga Yurub, waxaana ay u yimaadeen inay wax ka ogaadaan qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tababar ka hela Midowga Yurub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON