Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha Jubalanad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu casuumay inay tagaan magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka maamulka Galmudug, kadib heshiiska maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacyo.
Kulankii shalay subaxnimadii ka dhacay Hotelka Five Star ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo markii ugu horeysay uu dhinaca Koonfureed ee Gaalkacyo ugu tallaabay C/weli Gaas ayaa madaxda Galmudug ay si toos ah u weydiisteen C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe inay tagaan Cadaado, taasoo ay sheegeen inay ka dhiman tahay nabadda.
Labada nin ayaa dhoola caddeyn uga jawaabay codsiga Galmudug, inkastoo aanay wax jawaab ah ka bixin codsigaasi oo ah mid si fagaare ah loo shaaciyay laguna tirtirsiiyay inay ogolaadaan tegista xarunta Galmudug.
Cadaadis weyn ayaa la sheegay inuu madaxweynaha Puntland ka heysto maamulkiisa iyadoo aanay raali ka ahayn heshiiska Gaalkacyo oo dhinaca kale ay u arkaan inuu aqoonsi siinayo maamulka Galmudug ee C/kariin Guuleed hogaamiyo.
Goobjooge.com