Tuesday, June 24, 2025

C/weli Gaas: “Haddii aad nabad ka shaqeyso wax baa lagaa sheegayaa, haddii aad colaad hurisana wax baa laga sheegayaa, laakiin…”

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in  magacyada maamuleed ee ay sheegtaan sida Puntland iyo Galmudug ay ka weyn tahay Soomaalinimada iyo Islaannimada, sidaasi darteena ay juhdi badan galinayaan sidii nabadda looga wada shaqayn lahaa, madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan dad wax ka sheega madaxda balse ay wanaagsan tahay in wax lagaa sheego adigoo wax wanaagsan qabanaya.

Hadalkan ayuu ka jeediyay casuumad qado uu madaxda GalMudug ugu sameeyay hoygiisa oo ku yaala waqooyiga magalada Gaalkacyo, wuxuna sheegay wixii dhibaato dhacday inay halkaasi ku dhammaato oo dib magalada loogu soo celiyo dadkii ka barakacay.

Madaxwayne Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in magalada Gaalkacyo mid noqon doonto mustaqbalka dhow, ugu danbeyntii dadaalada nabadda ayuu uga mahad celiyay madaxdii ka qayb qaadatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON