Wafdigii ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo magaalada Gaalkacyo mar qura kasoo wada duulay soona raacay diyaarad kaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inay ka qeyb galaan shirka maalinta berri ah ka furmaya Muqdisho ee madasha wadatashiga.
Ra’iisalw asaaraha Soomaaliya oo dadaal weyn u galay in nabad ka dhalato magaalada Gaalkacyo, isla markaana isku keenay labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland oo kala taagnaa ayaa ku guuleystay inuu isu soo dhoweeyo labada dhinac.
Daawo sawirrada soo dhoweynta wafdiga
Goobjooge.com