Monday, July 14, 2025

Hay’adda NISA oo Muqdisho keentay Sarkaal Mareykan ah oo kasoo goostay Alshabaab

Wararka laga helayo  magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sargaalkii Mareykanka ahaa ee ka tirsanaa Alshabaab dhowaana isu dhiibay ciidamada dowlada Soomaliya ee degmada Baraawe AbdiMaalik Jones oo in Maanta Magaalada Muqdisho la keenay loona gacan geliyay Hay’ada NabadSugida Soomaaliya NISA.

Ninkan oo kasoo baxsaday Alshabaab ayaa sheegay inuu naftiisa la soo baxsaday isagoo ku yaboohay inuu la shaqeynayo dowlada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay  kooxda Al-Shabaab inay isku dayeen dhowr jeer inay dilaan, iyadoo la dilay sida uu sheegay saaxiibo badan.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin sida ay ka yeeleyso Sarkaalkan u dhahay Dalka Mareykanka, kaas oo horay uga tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena wali waxaan arrintaan ka hadashay Dowlada Mareykanka oo uu dhashay Sarkaalkan C.Maalik Jones.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON