Saturday, July 5, 2025

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir oo war yaab leh ka sheegay xafladii maalinta Xuquuqda Aadanaha

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax Caddaalad ah iyo Ilaalinta Xaquuqda taasoo uu sabab uga dhiga xuquuqda ka maqan shaqaalaha dowladda.

Isagoo maanta ka hadlayay munaasabadda Maalinta Xuska Xaquuqda Aadanaha oo lagu qabtay Muqdisho oo uu fadhiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan xukuumadda ayuu guddoomiye  Xaashi Cilmi Nuur wuxuu si cad u sheegay  in isagoo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir aanu wax mushaar ah qaadan muddo dhan  5 Bilood, islamarkaana uu Cadaalad la’aanta kala siman yahay Ummadda Soomaaliyeed iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa caddeyn u ah sida dowladda Federaalka ugu fashilantay inay fuliso balanqaaadkeedii iyadoo misaaniyad cusub u gudbisay Baarlamanka, halka miisaaniyaddii 2105 iyo dhaqaalihii ku baxay aan la xisaab celin. Waxaana isweydiin leh sidee cadaalad uga shaqeyn karaan dad aan helin xuquuqdoodii mushaar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON