Monday, June 23, 2025

Madaxweyne ku xigeenkii Maamulka Ahlu suna iska dhiibay Cadaado kuna biiray Galmudug..?

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna  C/llaahi Xirsi Diirshe (Prof Daacad) uu tegay Magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Prof Daacad ayaa warark ku dhow maamulka Galmudug ay sheegayaan uu si toos ah uga baxay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe islamakaana uu hadda marti u yahay  Madaxda Maamulka Galmudug, isagoo doonaya inuu ku biiro, isagoo wadahadal kula jira madaxda Galmudug.

Waxaa hore loo xusuustaa in Prof Daacad bishii August ee sanadkan lagu xiray isla magaalada Cadaado, iyadoo muddo kadib la sii daayay markii ay odayaal soo dhex galeen.

Xaaladda cusub ee ku soo biirtay mid ka mida madaxda Ahlu suna ee gobolada dhexe ayaa soo baxeysa iyadoo lagu wado in waanwaan labada dhinac uga furanto dhowaan magaalada Dhuusamareeb.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON