Sunday, July 13, 2025

DHAGEYSO: C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo hadallo kulul isku weydaarsay shirkii Madasha Wadatashiga

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed C/weli Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isu jawaabay intii ay socdeen khudbadaha madasha shirkii wadatashiga ee qaabka doorashada cusub, iyadoo markii hore C/weli Gaas uu shirarkii Garowe u daliishaday inaan dib loogu noqon karin 4.5, laakiin Shariif  Xasan ayaa ku qasbanaaday inuu jawaab cad ka bixiyo sidoo caddeyeey in heshiisyadii Garowe ay jireen balse aan la fulin qodobadii uu ka mid ahaa in la smeeyo aqalka sare ee Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa intaas ku daray in Aqalka sare loo sameyn waayay iyadoo aanay jirin maamul goboleedyo, “Hadda ayaa Garowe 1 la taagan yahay” ayuu yiri Shariif Xasan oo saaxiibkiisa C/weli Gaas u sheegay inuu tuhunka iska daayo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali  ayaa dhankiisa waxa uu soo bandhigay fikirka shacabka Puntlnd ay ka qaban geedi socodka Soomaaliya 2016 ,isagoo  xusay Shirkii Garowe 1 ee la qabtay Xilligii Dowladdii KMG aheed in lagu heshiiyay sidii looga tanaasuli laha nidamka 4.5 ee hadda ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka K/galbeed oo jawab kooban siiyay dhigiisa Puntland ayaa sheegay in heshiiskii Garowe 1 qodobadii lagu heshiiyay qaarkood in aan la fulin sida darteedna ka fikirkiisa ahaan Shirkii Garowe 1 in manta uu Koow yahay waxyaabihii Shirkaasi lagu heshiiyayna aysan dhaqan galin,waxaana uu xusay in Garowe 1  la isku raacay in la sameeyo Golaha Aqalka Sarre taasina aysan dhicin sida uu yiri Shariifka..

Shirka  ayaa waqti dheeraad ah lagu darayaa iyadoo ay muuqato in la isku mari la’ yahay qaabka doorashada oo laba qeybood loogu kala dhegan yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON