Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka yimid dalka Jabuuti ee Hiil walaal ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Howlwadaag Ee Galbeedka Beledweyne oo dagaal qaraar ku dhex marayo laba maleeshiyad beeleed oo degaankaasi wada dega.
Dilka Askariga Jabuutiyaanka ayaa yimid ka dhashay kadib markii ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ay isku dayeen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka dagaalku dhex marayo, waxaana askariga haleeshay rasaas ay is dhaafsanayeen Maleeshiyaadka labada dhinac.
Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada ayaa waxaa ka socda dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo dhowr jeer halkaasi ku dagaalamay.
Askariga dhintay ayaa lagu wadaa in loo duuliyo dalkiisa.
Goobjooge.com