Monday, June 23, 2025

Ahlu suna oo beenisay inay wadahadal la galeyso Maamulka Galmudug

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in wada hadal ay yeelan doonaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ku kala sugan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Xasan Gaboobe, ayaa tilmaamay inuusan jirin haba yaraatee wax wada hadal ah oo Dhuusamareeb ka furmaya, islamarkaana u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu sunna.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in dhawaan Dhuusamareeb uu ka furmayo shir u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, kaasi oo gar wadeen ay ka tahay Dowladda Ethiopia iyo Urur Goboleedka IGAD.

Ad

“Wax aan ognahay oo wadahadal ah oo Dhuusamareeb ka furmaya ma jirto ee u dhaxeeya Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe iyo Kooxda aad ku tilmaamtay Galmudug wax wadahadal ah oo noo dhaxeeya ma jiraan, waxaan u aragnaa arintaasi inay tahay Dacaayad muddo soo socotay oo ay faafinayaan Ashqaastaasi” Ayuu Yiri.

Sheekh Xasan Gaboobe ayaa sheegay cida ay la hadlayaan inay tahay Dowladda Federalka Somaliya, maadaama sida uu yiri Galmudug Gobolada Dhexe aysan masuul ka aheyn.

“Cidaan kala hadleynaa oo aan wax ka tabanayno waa Dowlad Federalka Somaliya waa Dowladayadii waxaan rabnaa inay nala hadasho cida aan daneyna waa Dowlada, ma rabo inaan la hadalno cid aanan talo ka go’in inaan la hadalno oo la mid ah mindi gadaal la ga haayo” Ayuu raaciyay Warkiisa Sheekh Xasan Gaboobe.

- Advertisement -

Maamulka Goboladda dhexe ee Ahlu Sunna ayaa gabi ahaanba diidan jiritaanka Maamulka Galmudug ee Cadaado.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON