Monday, July 7, 2025

Faahfaahin iyo magacyada shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Muqdisho

Weerarkii maanta gelinkii dambe lagu qaaday gaari ay wateen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan shaqaalaha weerarka lagu qaaday.

Dabley  hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari marayey meel u agagarka  wadada Maka Al Mukarama ee ah tan ugu mashquulka badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo halkaasi lagu dilay Hay’adaha Qaxootiga u qaabilsan Q/Midoobay ee UNHCR.

Laba qof oo gaariga la weeraray saarnaa ayaa isla goobta lagu weeraray ku dhintay, waxaana magacyadooda ay kala yihiin:

  1. C/risaaq Aadan Cadaawe
  2. Aamin Maxamed Nuur

Kooxda dableyda ah ee weerarka qaaday ayaa goobta ka baxsatay, markii ay dilka qorsheysan fuliyeen, mana jirto weli cid sheegatay iyadoo la filayo in kooxda Alshabaab ay ka dambeysay

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON