Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka la wareegay Garoonka diyaaradaha magaalada Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, iyagoo maleeshiyo u joogtay Ahlu suna meesha isaga baxeen.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb oo in muddo iska xirnaa maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna ayaa diyaaradihii adeegsan jiray ay ka weecdeen kadib markii Ahlu suna ku soo rogtay canshuur fara badan.
Ciidamo wata 8 Gaari oo kuwa ciidamada ah ayaa tehay madaarka Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo gebi ahaanba la wareegay garoonka.
Lama oga sababta ka danbeysay la wareegida ciidamada Itoobiya Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb, laakin wararka qaar ayaa sheegaya in garoonka uu ka mid yahay goobo loo cayimay ciidamada Itoobiya iyadoo la diyaarinayo shir heshiisiin ah oo dhex mara Ahlu suna iyo Galmudug.
Goobjooge.com