Thursday, June 26, 2025

Dhageyso Xildhibaan Puntland: “C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe kasoo taga Muqdisho ama noo sheega hadii la idin heysto…”

Xildhibaan Saciid Diiriye Maxamed oo kamida Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa jeeediyay baaqay beeleed isagoo ugu yeeray  madaxweyne C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe isaga soo tagaan magaalada Muqdisho, maadaama fikradooda aan laga tixgelin sida uu hadalka u dhigay.

Saciid Diiriye, wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta kasoo jeeda koofurta dalka Soomaaliya ay baabi’iyeen dalka ayna doonayaan in dib loogu laabto nidaamkii ummada Soomaaliyeed kala qeybiyay ee 4.5.

“Anigaa wax bi’iyey ee khaladka ha la igu raaco ama haddaan wax kale keenayaa wax lagu hadlo maahan, qofkii aan Qaabka degmooyinka doonayn oo aan degmaba lahayn dee inuu doorasho doonaba maahan, ma qof meel cidlaa daggan baa jira, dalku waa qaybsan yahay oo gobol gobol iyo degmo degmo ayuu u qaybsan yahaye, ma cid cirka daggan baa jirta, qof walba degmaduu kasoo jeedo buu wax ku qaadanayaaye…. waan idin leeyahay C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ka soo taga meesha ama haddii la idin heysta noo sheega…. oo aadan bixi karin ” ayuu yiri Xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in looga baahan yahay iney ka tagaan magaalada Muqdisho haddiiba aan laga tixgelineynin, isagoo sheegay in nidaamka habka deegaanka uusan jirin qaab ka wanaagsan.

DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON