Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe oo Kismaayo ka sheegay: “Wax la isku raacay waxaa ka jira in fooshii 2016 Kismaayo loo soo raray…”

Madaxweynaha  maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa maanta  dib ugu laabtey magaalada Kismaayo kadib markii uu muddo laba toddobaad ka bada howlo kala duwan oo nabadeyn iyo shirar ah u tegay magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Axmed Madoobe wuxuu faahfaahin ka bixiyay shirarkii Muqdisho iyo waxa ay kala laabteen, wuxuuna meesha ka saarey in siyaasiyiintii ku shiray Muqdisho aanu jirin mid kamid ah oo wixii loo sii dhiibey la soo noqdey, anaga un baa la soo noqoney in Kismaayo lagu qabto foosha 2016.

“Waan is canaanay, waxaana isu sheegnay in nin walbaba haddaanu reerkiisa ka adkaan aysan waxba soconeyn, dib haloola noqdo fikir ka duwan kiinii ayaa jira ee wax Soomaalinimo ah in la isula yimaado weeye” ayuu yiri Axmed Madoobe, oo qancinayay maamulkiisa Juba ee diidan nidaamka 4.5.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay khalad tahay haddii aan teyga la qaadan waxba socon maayaan, goboladuna waa kala argti duwanaadeen, waxaana muhiim ah in la isu soo dhowaado oo la isu tanaasulo sida  yiri Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON