Wednesday, July 23, 2025

Guddoomiyaha degmada Baraawe oo ka badbaaday laba weerar oo Alshabaab ku khaarijin lahayd

Gudoomiyaha degmada Baraawe   Xuseen Maxamed Barre (Jeex)ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo kadib markii laba weerar oo is xiga lala beegsaday kolonyo galbineysay gudoomiyaha. Kooxda Alshabaab ayaa lagu eedeeyay weerarada oo midka hore ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo weerar ka danbeeyay.

Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiino ayaa sheegay in kolonyada gaadiidka ah ee galbinayay gudoomiyaha lagu weerary gaari Ismiidaamin ah iyo sidoo kale weerar toos ah. weerarka ayaa lagu qaarajin lahaa gudoomiyaha ayaa ka dhacay degaanka Golweyn ee duleedka degmada Buulo-mareer, halkaasi oo lagu diyaariyay Gaari Suzuki ah, laakiinse ay rasaas ku qarxiyeen gaarigaasi ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM oo gudoomiyaha dhanka degmada Baraawe u waday.

Kolonyada ayaa mar kale la weeraray iyadoo weerarkaasina lagu dilay saddex dabley Alshabaab ka tirsan sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Sh/hoose.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON