Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyah cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo warkiisii ugu horeeyay soo saaray

Guddoomiyaha cusube ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka loo dhiibay isagoo balan qaaday inuu la imaan doono  isbedel dhinaca maamulka oo uu sheegay inuu wax ka qabanayo baahida bulshada Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan wuxuu caddeeyay inuu dadaal u geli doono horumarka gobolka, “Waxaa ii qorsheysan inaan si cadaalad ah ugu adeego bulshada gobolka ku nool, waxaana ka codsanayaa shacabka inay noqdaan midoobaan” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan.

Xalay ayay ahayd markii Yuusuf Dabageed loo magacaabay xilkan, isagoo hore u soo qabtay gudoonka Gobolka Hiiraan xiligii dowladii Kumeelgaarka ahayd ee C/llaahi Yuusuf.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON