Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya shir gaara oo albaabada u xiran yihiin, loona diiday inay saxaafaddu ka qeyb gasho.
Sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka shirkooda ayaa ku saabsan warbixin laga dhageysanayo 25 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka oo ka mida Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo ka hadli doona shirkii ugu danbeeyay ee Madasha iyo wixii ka dhacay oo xildhibaanada qaarkood ay ka horjeesteen, waxaana baarlamaanka ka doodi doonaa go’aanadii ka soo baxay shirka Madasha iyo mowqifka ay ka qaadanayaan Madasha iyo mustaqbalka dowladda Federaalka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa olole balaaran ugu jiray in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Federaalka, lana doorto madaxweyne cusub ayaa ku fashilmay inay arrintan taageero uga helaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamul goboleedyada iyadoo beesha caalamkana ka horjeedo.
Waxaa la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka ka hor yimaadaan qaabka madaxda maamulada dalka ay kula wareegeen awoodii Baarlamaanka oo ay isku koobeen go’aan ka gaarista mustaqbalka dalka, iyadoo guddoomiyaha Barlamaanka iyo xildhibaanada Madasha ugu jira Baarlamaanka aanay wax go’aan ku yeelan shirarka madasha oo ay noqdeen goobjoogeyaal.
Goobjooge.com