Wednesday, June 25, 2025

XOG: Maxay Dowladda Soomaaliya uga noqotay mamnuucistii dabaaldega ciida Masiixiga (Christmas)..?

Xukuumadda Soomaaliya ayaa culeys weyn kasoo wajahay amar ay wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo maamulka Gobolka Banadir soo saareen oo ku saabsan inaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin xuska ciida masiixiga ee Christmas-ka, kadib markii uu codsi ahaan u soo jeediyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa dib uga laabtay go’aankiisii isagoo sheegay in mamnuucista uu soo saaray ay khuseyso oo kaliya dadka muslimiinta ah, waxaana sidoo kale wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay inuusan jirin amar rasmi ah oo dowladda kasoo baxay kuna saabsan in la mamnuucay dabaaldega ciida masiixiga.

Arrimahan oo dhan waxay soo baxayaan iyadoo warbaahinta caalamka, siiba kuwa reer galbeedka ay si weyn buunbuuniyeen arrintan oo waregsyada waaweyn ee  Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka dhigeen qodobo waaweyn  oo dowladda Soomaaliya madaxdeeda dusha laga saaray sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si weyn uga carooday amarka uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow isagoo laga dareemay inuu culeys kasoo food saaray dalalka reer Galbeedka.

Arrintan ayaa ku keli ahayn Soomaaliya, waxaana amarro sidan oo kale ah qaatay dalal ay ka mid yihiin Brunei iyo Tajakistan, laakiin iyadoo dowladda Soomaaliya ay tahay mid liidata ayaa waxay dhalisay in madaxda Soomaalida ay isku qabsadaan oo dib uga noqdaan amarradii hore.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON