Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kusoo qabteen dad waday faafinta mad-habt Shiicada ah oo isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin.
Qoraal ay soo saartay NISA oo uu ku saxiixnaa Taliya Gobalka Banaadir COL. C/xakiin Axmed Farey ayaa lagu faahfaahiyay in NISA ay ku daba jirtay muddo dheer baaritaanka arrintan
HOOS KA AKHTI QORAALKA HAY’ADDA NISA
Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.
NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.
Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.
Faah Faahin
Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.
– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.
Mas’uuliyiinta Iran
- Muxsin Xuseen
- Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.
Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Mowliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.
Gabagabo
Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay mad-habkii Sunniga ee Shaaficiga ah oo loo bedalay Shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.
Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.
Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah la lahaa.
Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.
Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.
Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.
Taliyaha NISA ee gobalka Banaadir
Korneel C/xakiin Axmed Farey
Goobjooge.com