Thursday, July 17, 2025

Sarkaal Ajnabi ah oo laga dilay Alshabaab & dagaal ka dhacay duleedka degmada Buuloburte

Ciidamada AMISOM iyo  Milatariga Soomaaliya ee SNA ayaa Al-shabaab kala wareegay degaano hoostaga Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan oo u jira 25km.

Ciidamada Huwanta ah ayaa weerar ku qaaday dabley xarakadda Al-shabaab ka tirsan oo degaankaasi ka ururineysay xoolo zako ah.

Iska hor imaadka ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana lagu dilay laba maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan degmada Buuloburte.

AMISOM waxay dhinaca kale sheegtay in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab ay weerarkaasi ku dileen. Al-shabaab ayaa dhinacooda wax war ah kasoo saarin dagaalkan u danbeeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON