Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa baaritaan ay ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxay Masaajid ku yaalla degmadaasi ay heleen hub fara badan oo ku qarsoonaa iyo Lacag Doolar ah.
Ciidamada ayaa la sheegay in Masaajidkaasi ay ka heleen Xog ku aadan in Hub lagu dhex qariyay,kuwaa oo halkaa ka soo saaray Hub iyo Lacag lagu qariyay.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Masaajid ku yaalla Degmada Hodan ka Fuliyeen Howlgal Qorsheysan islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen Hub fara badan iyo Lacag gaareysa $3950 oo la doonayay in lagu qal qal galiyo Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wasiirka ayaa Xusay in Baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono Hubkaasi iyo waliba Ciddii iska laheyd, wuxuuna ammaan u jeediyay bulshada degaankaasi oo xogta la wadaagtay ciidamada ammaanka.
Goobjooge.com