Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne C/kariin Guuleed oo Nairobi kula kulmay hogaamiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wada kulamo uu halkaasi kula yeelanayo madaxda Beesha Caalamka ee Nairobi fariisinka u ah iyo Safaaradaha dowladaha arrimaha Soomaaliya daneeya ee Nairobi ku yaala.

Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu ku qaabilay Nairobi Hogaamiyaha aqlabiyada Barlamaanka Kenya haysta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale,

waxayna labada masuul Qado kadib wada qaateen kulan dheer oo saacado socday oo ay labada dhinac ku gorfeeyeen xaalada xiligaan Soomaaliya ay ku jirto,doorashada 2016-ka, isku soo dhawaanshiyaha Ahlusunna iyo Galmudug iyo sidii heshiis buuxa oo aan soo laaban loogu gaari lahaa kala aragti duwanaanta Galmudug iyo Puntland mararka qaar dhex mara.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay dowlada Kenya aad ugu dadaalayso taageerida Maamulka Galmudug isla markaana kaalin xoogan ka cayaareyso wada-hadalsiinta Galmudug iyo Ahlusunna oo Toddobaadka soo socda bilaabmaya.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada Kenya ugu mahadcelinayaan taageerida ay Galmudug la garab taagan yihin, waxuuna sheegay inay Galmudug xiligaan cagta saartay wadadii Horumarka isla markaana ay ku dadaalayaan sidii maalmaha soo socda loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya culumada Ahlusunna Wal-Jameeca.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in shir lagu wada hadalsiinayo Ahlusunna iyo Galmudug uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sugayaa Madaxda Ahlusunna oo saacadaha soo socda gaaraya magaalada Nairobi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON