Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa  agagaarka Iskuulka Imaamu Shaafici ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho ku toogtay  Muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo la sheegay inuu waqtigaasi ka soo baxay Masaajid uu ku soo Tukaday Salaadii Jimcaha.

Ninkan Turkiga ah ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray rasaata lagu furay, iyadoo isbitaalka loola cararay, waxayna wararku sheegayaan inuu ahaa nin la shaqeeya shirka qandaraasle ah,  waxaa ka dambeeyay koox  hubeysan oo saaran gaari, kuwaasoo dilka fuliyay isla markaana ka baxsaday goobta.

Rasaas dhowr ah oo lagu  furay muwaadinka u dhashay  dalka Turkiga ee  goobta ku dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay gabar yar oo Soomaali ah oo ay rasaastu haleeshay.

Ma jirto cid sheegatay dilka muwaadinkan Turkiga ah, waxaase lagu wadaa inay ka dambeysay kooxda Alshabaab oo dilal qorsheysan ka fuliso magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON