Ciidamo ka wada tirsan kuwa milateriga dowladda Federaalka ayaa ku dagaalamay degmada Baraawe ee gobolka SH/hoose, waxayna wararka laga helayo halkaasi ay sheegayaan in qasaaraha dagaalka uu sii kordhay iyadoo uu weli dagaalku socdo, waxaana ay iska dileen 5 askari iyo dhaawac ka badan 10 kale.
Labada ciidan ee ka tirsan dowladda federaalka ayaa la sheegay inay isku qabsadeen baaritaan la doonayay in laga sameeyo gaadiid adeegsada degmada Baraawe, waxaana saraakiisha ciidamada ay ku kala qeybsameen, taasoo keentay inay isku dhac ciidanku dhex maro.
Dagaalada dhex mara ciidamada dowladda dhexdooda ayaa ah kuwo soo noqnoqday, waxayna arrintan muujineysaa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada oo aan weli ka gudbin heerkii maleeshiyada.
Goobjooge.com