Laba ka mida Ra’iisal Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo kala ah Cali Maxamed Geedi iyo Cabdiweli Shiikh Axmed iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta gaary magaalada Gaalkacyo ee gobolka Gobolka Mudug, iyadoo uu martiqaad u sameeyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Siyaasiyiinta Garoonka magaaalada Gaalkacyo ka degay waxay u badan yihiin xubno gacansaar la leh Mudane Gaas, waxaana ka mid ahaa: Salaad Cali Jeelle iyo Cabdiraxmaan Baadiyow, waxaana ay ku sii jeedaan magaalada Garowe.
C/weli Gaas ayaa u dabaaldegaya xuska markii la doortay iyo mashaariic la furayo oo lagu soo beegay xafladaasi si waxqabadkiisa loogu daro.
Goobjooge.com