Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda Magaalada Boosaso ee gobolka Bari isagoo ka mid noqon doona madaxda ka qeyb galeysa furitaanka Garoonka Diyaaradaha cusub ee Magaalada Boosaaso iyo xaflada doorashada madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8-da bishan ee maalinta beri ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casuumaad ka helay C/wel Gaas oo ku tirtirsiiyay inuu furo garoonka cusub ee Boosaaso, waxaana halkaasi ku sugan inta badan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida. Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa isna lagu wadaa inuu tago magaalada Boosaaso iyadoo madaxda sare ee dowladda ay Puntland u tegayaan inay uga faa’iideystaan inay isu soo dhoweeyaan arrinta qaabka doorashada looga hadlayo shirka Madasha ee magaalada Kismaayo.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa kasii horeyn doona wafdiga kale ee madaxweynaha, iyagoo halkaasi ku soo dhoweyn doona wafdiga madaxweynaha marka ay tagaan galabta.
Dadka xafladaasi ka qeyb galaya waxaa ka mida Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ee martida loo yahay, Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo siyaasiin fara badan oo ay ka mid yihiin C/weli Sheekh Axmed iyo Cali Maxamed Geedi .
Madax kale ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Boosaaso.
Goobjooge.com